Suche einschränken:
Zur Kasse

Ismaaciil Mire

Cali Idaajaa, Axmed F.

Ismaaciil Mire

Ismaaciil Mire Cilmi geesinnimo ayuu ku sheegganaa, gabay quluud leh waa lagu yiqiin, markii looga baahdana talo fiican ayaa looga baxsan jirey. Taariikhda Daraawiisheed, in yarba ha ahaatee, qofkii wax ka yaqaani Ismaaciil Mire wuu garanayaa, kamana dahsoona kaalintii weyneyd ee uu kaga jirey dagaalkii dheeraa ee dhex-maray Daraawiish oo dhinac ah iyo Ingiriis iyo gaashaan-buurtiisii intii u dhexaysey 1899-1920kii.Tan oo ah daabacaaddii labaad, waxaa baalasha buuggaan ku uruursan boqol-iyo-dheeraad maanso oo qaar dheerdheer yihiin, qaar kalena gaaggaaban yihiin oo ay u badan tahay in la kala illoobey oo, iyaga oo dhan, aysan waayaha iyo weriyeyaashu nagu soo simin. Maansooyinka Ismaaciil waxay ku tirsan yihiin saddexdii hab ee raggii hore ay curinta maansada u adeegsan jireen, kuwaas oo kala ah gabayga, geeraarka iyo jiiftada (masafada). In kastoo aan la sheegi karin gabayada mid walba sannadkii ama goortii la tiriyey, haddana waxaan u kala hor-mariyey dhacdooyinka uu gabyaagu midba ku soo qaaday siday u kala horreeyeen, aniga oo taariikhda dunida iyo midda degaankaba miciinsanaaya.

CHF 26.90

Lieferbar

ISBN 9781912411245
Sprache som
Cover Kartonierter Einband (Kt)
Verlag Looh Press Ltd
Jahr 20200229

Kundenbewertungen

Dieser Artikel hat noch keine Bewertungen.